Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Justin Davis.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee la xiriira horumarinta warbaahinta, wacyigelinta, la dagaallanka argagixisada, kor u qaadista Farshaxanka, Dhaqanka iyo Dalxiiska.











