Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
6 months ago
in Wararka
0
Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQISHO:-Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayo Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), oo ah ugaaska Beel weynta Murusade,taas oo ay ka qeybgalayaan madaxda ugu sarreysa dalka.

Munaasabadda waxaa ka qeygalay madaxda ugu sarreysa dalka oo uu hoggaaminayoย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale goob joog ka ah wasiirro, xildhibaano ka tirsan labada Aqal, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin, madaxda dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in caleema-saarkani uu yahay astaan muujinaysa qiimaha taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

โ€œMunaasabaddan waxay calaamad u tahay taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah, doorka dhaqankuna wuxuu laf-dhabar u yahay dowlad-dhiska dalkeenna.โ€ayuu yiri wasii Daaโ€™uud Aweys

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Xoosh ayaa xusay in dowladdu ay muhiimad gaar ah siinayso doorka dhaqanka, isagoo tilmaamay in uu qayb weyn ka qaato dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene ayaa sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed uu yahay tiir muhiim u ah dowlad-dhiska, isla markaana ay munaasabaddan muujinayso midnimada bulshada.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa isaguna tilmaamay in munaasabaddan caleema-saarka ay isu keentay madaxda qaranka, madaxdii hore iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ayaa yiri;- โ€œDhaqanka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waa isku xiran yahay, maanta waxaan u joognaa caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi.โ€

Garaad Jaamac Garaad Cali, โ€œCaleema-saarka dhaqanka koonfureed tixgelin gaar ah ayaa lasiiyaa waayahaan aadbaan ugu faraxsanahay arrintaas.โ€

Munaasabadda caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), oo hadda socota waxaa khudabada kala duwan ka jeedinayo madaxda dowladda odayaasha Dhaqanka, siyaasiinta iyo dhammaan martida kala duwan ee qeyb galeysa oo sheegay muhiimada ay dhaqanku ku dhax leeyihiin bulshada iyo kaalintooda dowlad dhiska.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Muqdisho ka sagootiyay cutubyo ciidanka oo ku biiraya howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Caleemo saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Caleemo saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Caleemo saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In