Sunday, July 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Abriil 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaasi oo isaga yimid guud ahaan dhulka soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo odayaasha dhaqanka ku bogaadiyey doorkooda togan ee nabadeynta, dib u heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed ayaa la wadaagay guulaha ay dowladdu ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuquraadiyeynta, dowlad-dhiska iyo daadejinta maamulka.

Related posts

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub oo Booqasho iyo Sagootin ugu Timid

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub oo Booqasho iyo Sagootin ugu Timid

July 5, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in aan marnaba laga tanaasuli karin in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo awoodda doorashada hoggaamiyeyaashooda siyaasadda, isaga oo ku booriyay Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan hirgelinta doorashooyinka loo dhanyahay ee Qof iyo Cod, si loo xaqiijiyo matalaad dhab ah iyo hannaan dimuqraadi ah oo hufan.

“Waxaan ku adagnahay oo aan marnaba laga tanaasulikarin in dadka soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ee doorashada hoggaamiyaha ay doonayaan 57 sano kaddib. Doorashooyinkii aan loo dhammeyn ee dalka kasoo dhacay waxaan ka dhaxalnay dhibaatooyin badan oo amni-darro ugu horreysay”.

Dhankooda, qaar ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey casuumaadda iyo maamuuska uu siiyey ayaa ku bogaadiyay guulaha muuqda ee laga gaaray amniga, dagaalka Khawaarijta, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, dimuquraadiyeynta iyo daadajinta maamulka.

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga dooeashada Koonfur Galbeed

Next Post

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

Next Post
Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub oo Booqasho iyo Sagootin ugu Timid

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub oo Booqasho iyo Sagootin ugu Timid

July 5, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga...

Shir looga hadlayay xoojinta iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaaradaha oo lagu qabtay Muqdisho

Shir looga hadlayay xoojinta iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaaradaha oo lagu qabtay Muqdisho

July 5, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer

July 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In