Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta ka bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha magaalada Galbarwaaqo ee gobolka Mudug, oo ka tirsan degmada Hobyo.
Maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa saaka safaf u galay diiwaangelinta codbixiyeyaasha, iyagoo isu diyaarinaya doorashooyinka qof iyo cod.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale wada dardargelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha deegaanada hoos yimaada degmada Hobyo.










