Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan ayaa looga hadlay Qorshaha Hirgalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahmiyad weyn u leh hey’adaha dowladda, siyaasadda dalka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo golaha ka-hor jeedisay qorshaha lagu hirgalinyo dastuurka, muddada iyo farsamada, ayaa soo jeedisay ujeeddooyinka muhiimka ah ee uu leeyahay hirgalinta dastuurka dalka, kaasi oo qeexaya hubinta in dhammaan qodobbada dastuurka la hirgaliyo muddada dastuurka ku qeexan ee ah inta u dhaxeysa sanadaha (2026-2029).

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulanka guddoomiyey, ayaa sheegay in laga bilaabo maalinkii uu saxiixay Madaxweynaha iyo Maalinkii lagu soo saaray faafinta rasmiga ah uu dhaqangal yahay dastuurka, balse hirgalintiisa farsamo ahaan ay ku caddahay Dastuurka laftiisa, taasi oo qaadanaysa muddo, gaar ahaan arrimaha ku saabsan maamulka.

Warbixinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa lagu sheegay in golaha la hor-keeni doono qaraar qeexaya shaqooyinka horu-tabinta leh ee Dastuurka ku jira ee 12-ka bilood ee soo socota la qabanayo, iyada oo loo eegayo duruufadaha uu dalka ku jiro, iyo baahiyaha loo qabo, waxaanna shaqooyinkaas ka mid ah guddiyo iyo hay’addo aad muhiim ugu ah socodsiinta shaqooyinka Qaranka, sida Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Dakhliga Qaranka.

Golaha ayaa sidoo kale dhagaystay warbixinno ku saabsan doorashooyinkii Qof iyo Cod ee ka qabsoomay degmooyinka Koonfur Galbeed iyo kaalintii ay ka qaadatay Warbaahinta Qaranka, warbixin la xiriirta wadahaladii laga galay arrimaha doorashooyinka ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Hormuudka ka ahaa.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale maanta ansixiyay soo jeedin ku saabsan in Mudane Maxamed Rabiic Yuusuf, oo ahaa La-taliyaha koowaad ee Ergada ahna Ku-xigeenka Madaxa Ergada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, xarunta New York, loo dalacsiiyo darajada Danjire. waxaanna lagu ansixiyay cod ah.

Ugu dambayn, Golaha ayaa ansixiyey Siyaasado, Heshiisyo iyo Xeer-nidaamiyayaal muhiim u ah horumarka Qaranka Soomaaliyeed, waxa ayna kala yihiin

1- Siyaasadda Qaran ee Horumarinta Isboortiga Soomaaliya

2- Xeer-Nidaamiyaha Dib-u-Howlgalinta iyo Mideynta Hannaanka Ceymiska Bulshada ee Qaranka Soomaaliyeed

3- Heshiiska u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga kuna saabsan dhiirrigalinta iyo ilaalinta is-dhaafsiga Maalgashiyada.

4- Cusboonaysiinta heshiis u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga kuna saabsan Waxbarashada.

5- Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

Next Post

Akhriso bayaanka Shirka Golaha Wasiirada

Next Post
Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Akhriso bayaanka Shirka Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee...

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In