Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha Afrika ayaa billowday inay natiijooyin muuqda dhaliso.
Arrintan waxaa shaaciyay Liu Yuxi, safiirka iskaashiga China iyo Afrika, intii lagu jiray shir jaraa’id oo lagu qabtay magaalada Beijing.
Liu Yuxi ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo horseedaysa horumar dhaqaale oo waara oo u dhexeeya China iyo Afrika. Wuxuu sheegay in ka dhaafista canshuuraha kastamku ay xoojinayso iskaashiga labada dhinac xilli cusub oo dhaqaale.
Siyaasaddan oo uu horay ugu dhawaaqay Madaxweynaha Xi Jinping ayaa dhaqan gashay 1-dii May 2026, waxayna khuseysaa 53 dal oo Afrikaan ah oo xiriir diblomaasiyadeed la leh China.
Sida uu sheegay safiirku, ganacsiga u dhexeeya China iyo Afrika ayaa kordhay 26.8% saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan marka loo barbar dhigo sanadkii hore. Sidoo kale, ganacsiga labada dhinac ayaa sanadkii 2025 gaaray rikoor dhan 348.08 bilyan oo doollar.
Dekedda Shenzhen ayaa noqotay goobtii ugu horreysay ee lagu arkay hirgelinta siyaasaddan cusub, kadib markii ay soo gaareen badeecooyin kala duwan oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay kamid yihiin tufaax laga keenay South Africa, liin macaan oo ka yimid Egypt, gypsum-ka Morocco iyo hilib lo’aad oo laga keenay Nigeria.
Mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa sheegay in canshuur dhaafkan uu dhiirrigelinayo maalgashiga shirkadaha Shiinaha ee Afrika, isagoo taageeraya casriyeynta beeraha, warshadaha iyo kordhinta qiimaha badeecadaha Afrika.
Safiirka ayaa sidoo kale xusay in siyaasaddani aysan ku koobneyn faa’iido dhaqaale oo keliya, balse ay xoojinayso xiriirka bulshada iyo iskaashiga bani’aadamnimo ee u dhexeeya China iyo Afrika.
Dhankiisa, Yusong Chen oo ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga China ayaa sheegay in siyaasaddan ay sare u qaadayso isdhaafsiga badeecooyinka iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dhinac, taasoo uu ku tilmaamay faa’iido wadaag u horseedaysa mustaqbal wanaagsan oo ay yeeshaan China iyo Afrika.
















