Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Ali Ahmed by Ali Ahmed
5 months ago
in Wararka
0
Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda caafimaadka XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa shir gudoomisay kulan kadhacay Xarunta Hawlgallada Degdegga Caafimaadka Dadweynaha (PHEOC), eeย  Machadka Qaranka ee Caafimaadka (NIH) Soomaaliya, Kulankaan ayaa ahaa mid lagu xoojinayay diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka Ebola/Bundibugyo Virus, iyadoo la eegayo xaaladda halista ah ee ka jirta gobolka, gaar ahaan dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (Democratic Republic of the Congo) iyo Uganda.

Kulanka ayuu sidookale ku wehlinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Mohamed Hassan Bulaale, Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, wakiillo ka socday isbitaallada dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, Ururka Isbitaallada Gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo ururo caalami ah oo ay ka mid yihiin Africa Field Epidemiology Network (AFENET), Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hayโ€™adda Socdaalka Caalamiga ah (IOM).

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Muhiimada kulanka ayaa ahayd mid diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda halista ah ee gobolka iyo heerka diyaar garowga ee Dalkeena, iyadoo si gaar ah loo xoojiyay iskuduwidda qaran, la socodka cudurrada iyo awoodda jawaab celinta degdeg ah ee dhammaan heerarka nidaamka caafimaadka, dhanka kale kulanka ayaa si qoto dheer looga dooday xoojinta nidaamka la socodka digniinta hore, diyaar garowga iyo kormeerka marinada iyo xuduudha dalka, tayeynta shaybaarada, habka dirista warbixnada, sidookale xoojinta ka hortagga iyo xakamaynta caabuqa (IPC), oo ay ku jirto hubinta isticmaalka saxda ah ee qalabka ilaalinta shaqsiga (PPE).

kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay booqashada goobaha shaqo ee howl-wadeenada Xarunta Qaran, ayadoona la isku raacay qorshe degdeg ah oo saddex maalmood gudahood ah iyo qorshe diyaar garow oo toddoba maalmood ah, si loo dardargeliyo fulinta dhammaan tiirarka farsamo ee diyaar garowga, loona xaqiijiyo isku-duwid iyo kormeer joogto ee wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo u diyaargarowga heeraraka kala duwan ee caafimaadka dalka.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Mohamed, ayaa ugu horayn, bogaadisay dadaalka ay wadaan dhammaan dhinacyada ka qayb qaatay kulanka, gaar ahaan howl-wadeenada Caafimaadka ee safka hore iyo sida ay lafdhabar ugu yihiin nidaamka caafimaadka Dalka.

Sidookale, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa xustay muhiimadda ay leedahay isku duwidda qaran iyo ka jawaabidda degdega ah ee xaaladaha caafimaadka ee degdegga ah, waxayna carrabka ku adkeesay in Wasaaradda ay diyaar u tahay in ay xoojiso dhammaan tiirarka diyaar garowga iyo ka hortagga cudurrada faafa.

Previous Post

Hayโ€™adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

Next Post

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

Next Post
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In