Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan habraacyada doorashooyinka, nidaamka shaqo ee baarlamaanka iyo sharciyada hagaya howlaha Golaha Wakiillada.
Tababarkan ayaa si rasmi ah u furay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, kuwaas oo xildhibaanada la wadaagay aqoon la xiriirta doorkooda sharci-dejineed, habraacyada doorashooyinka iyo mas’uuliyadaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin.
Ujeeddada tababarka ayaa ah in kor loo qaado aqoonta iyo tayada shaqo ee xildhibaanada cusub, si ay si hufan oo waafaqsan shuruucda dalka uga gutaan waajibaadkooda matalaadeed iyo sharci-dejineed.










