RADIO MUQDISHO:- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo si rasmi ah uga bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada Galmudug, iyadoo ay imtixaanka u fariisteen 1,526 arday oo ka kala socda dugsiyada ku yaalla magaalada iyo deegaanada ku xeeran.
Imtixaankan ayaa muhiim u ah ardayda soo dhammaysatay waxbarashada aasaasiga ah, maadaama lagu qiimeynayo heerka aqoontooda iyo u gudubkooda marxaladaha waxbarasho ee xiga.
Maamulka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo masuuliyiinta gobolka ayaa kormeer ku sameeyay xarumaha imtixaanka, iyagoo xaqiijiyay in imtixaanku ku socdo jawi deggan, habsami leh iyo amni sugan.
Sidoo kale, waxay ardayda u rajeeyeen guul iyo natiijooyin wanaagsan, iyagoo ku boorriyay inay muujiyaan dadaalkii ay ku soo bixiyeen muddadii waxbarashada.












