Wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS mudane Abuka Jeylaani Sheekh ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Guud cusub ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dr. Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi iyo Agaasimihii hore Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara).
Wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS mudane Abuka Jeylaani Sheekh ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Guud Dr. Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi iyo agaasimihii hore Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim.
Agaasimihii hore, Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim Nadaara ayaa agaasimaha cusub ee wasaaradda Awqaafta iyo arrimah Islaamka u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu sii ambaqaado howlaha horyaalla, si loo xoojiyo waxqabadka iyo tayeynta adeegyada wasaaradda.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee cusub ee wasaarada Awqaafta Dr. Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi ayaa bogaadiyay shaqadii iyo dadaalkii uu soo qabtay Agaasimihii hore Ibraahim Aadan Ibrahim, isagoo ku ammaanay kaalintiisii muhiimka ahayd ee horumarinta wasaaradda.
Wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS mudane Abuka Jeylaani Sheekh oo munaasabada xil wareejinta kahadlay ayaa agaasimihii hore ku amaanay hawlihii wanaagsanaaa ee uu soo qabtay isgaoo dhinaca kale uu soo dhaweeyey agaasimaha cusub isagoo ku booriyey in agaasimaha cusub sii dardar geliyo howlihii socday.










