Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha KMG ah, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday qaar ka mid ah deegaannada Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Jalalaqsi, halkaas oo ay isku horfadhiyaan dad walaalo ah oo isku deegaan ah.

“Dagaalka murugada leh ee dhex maray dad walaalo ah oo isku deegaan ah kana dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin, lagamana aamusi karo, waxa uuna dhaawacayaa nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka.” ayey tiri Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ugu baaqday dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada, maamulka iyo bulshada Hirshabeelle in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan joojinta colaadda, isla markaana loo helo xal waara oo nabadeed oo lagu dhameeyo khilaafka jira.

“Annaga oo ah Guddoonka Golaha Shacabka, waxaan caddeynaynaa inaan garab taagannahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya, laguna xoojinayo nabadda iyo walaaltinimada shacabka deegaanka”.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn sheegtay in ay waajib tahay ilaalinta nabadda, lana joojiyo wax kasta oo horseedi kara colaad hor leh, iyadoo carrabka ku adkeysay in danta guud iyo wada noolaanshaha bulshada ay ka mudan yihiin wax walba.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

Next Post

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

Next Post
Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In