RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha KMG ah, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday qaar ka mid ah deegaannada Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Jalalaqsi, halkaas oo ay isku horfadhiyaan dad walaalo ah oo isku deegaan ah.
“Dagaalka murugada leh ee dhex maray dad walaalo ah oo isku deegaan ah kana dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin, lagamana aamusi karo, waxa uuna dhaawacayaa nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka.” ayey tiri Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.
Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ugu baaqday dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada, maamulka iyo bulshada Hirshabeelle in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan joojinta colaadda, isla markaana loo helo xal waara oo nabadeed oo lagu dhameeyo khilaafka jira.
“Annaga oo ah Guddoonka Golaha Shacabka, waxaan caddeynaynaa inaan garab taagannahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya, laguna xoojinayo nabadda iyo walaaltinimada shacabka deegaanka”.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn sheegtay in ay waajib tahay ilaalinta nabadda, lana joojiyo wax kasta oo horseedi kara colaad hor leh, iyadoo carrabka ku adkeysay in danta guud iyo wada noolaanshaha bulshada ay ka mudan yihiin wax walba.










