Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ayaa maanta kormeer ku tegay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho.
Guddiga ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku jira diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee munaasabadda 1-da Luulyo, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida ay ku soo bandhigi doonaan dhoollatusyo ciidan iyo bandhigyo lagu maamuusayo maalinta madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Guddiga ayaa bogaadiyay heerka uu marayo diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhiirrigeliyay ciidamada inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda si ay shacabka Soomaaliyeed ay ugu soo bandhigaan tayada iyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida.











