Munaasabad lagu xusayay 66-sano guuradii kasoo wareegtay Xorriyadda iyo Midowgii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Sudan.
Waxaa ka qayb galay munaasabadda Marwo Adut Salva Kiir oo ka mid ah masuuliyiinta Koonfurta Sudan, Safiirrada ku sugan magaalada Jubba iyo Marti Sharar kale.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfurta Sudan ayaa dhankooda kaalin weyn ka qaatay qabsoomidda munaasabadda dabaal-degga maalmaha xorriyadda dalkeenna.
Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Koonfurta Sudan Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa si weyn ugu mahadceliyey cidkasta oo gacan ka geysatay munaasabadda lagu maamuusayay todobaadka xorriyadda Soomaaliya.











