Hoggaamiyaha KGS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr. Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, isla markaana uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji. Wafdigan ayaa Baydhabo u yimid ka qaybgalka munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed.
Soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Dowladda Koonfur Galbeed, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.
Munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay ka soo qayb galaan madaxda ugu sarreysa Qaranka, diblomaasiyiin, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale, taas oo muujinaysa muhiimadda ay leedahay munaasabaddan iyo doorka Dowladda Koonfur Galbeed ee geeddi-socodka dowlad-dhiska, nabadda iyo horumarka dalka.


















