RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Reysal Qorane oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS), Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehliyaan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad-goboleedka Galmudug iyo maamulka degmada Cabudwaaq, ayaa maanta kormeer iyo qiimeyn ku tagay goobaha ay ku sugan yihiin bulshada ay saameeyeen abaaruhu, si loo ogaado baahiyaha bani’aadannimo ee jira loona qorsheeyo gurmad degdeg ah oo la gaarsiiyo.
Masuuliyiintan ayaa indhahooda ku soo arkay xaaladaha adag ee ka jira kaamamka barakacayaasha iyo deegaannada ay ku nool yihiin dadka nugul, iyagoo xog-ogaal u noqday baahiyaha mudnaanta leh ee ay bulshadaasi wajahayso.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka, saaxiibbada caalamiga ah iyo dhammaan dhinacyada ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada inay si degdeg ah u garab istaagaan shacabka ay abaaruhu saameeyeen, si loo gaarsiiyo gurmad naf-badbaadin ah loogana hortago sii xumaanshaha xaaladda bani’aadannimo.











