Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed Nuur, oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TURKSOM, kana gashay kaalinta koowaad ee dufcaddeeda Leeyli Sargaalka.
Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay Dhamme Dr. Faadumo Cabdisamed Maxamed, Agaasime Ku-xigeenka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa lagu bogaadiyay guusha ay gaartay Caliya, iyadoo lagu tilmaamay tusaale wanaagsan oo dhiirigelin u ah haweenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.











