RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa si rasmi ah uga furmay, Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada Labada Aqal ayaa hore loogu wargeliyay in maanta oo ku beegan 1-da Agoosto uu si rasmi ah u furmayo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u daahfuray kalfadhiga, isagoo munaasabadda khudbad dhinacyo badan ka jeediyay
Furitaanka kalfadhigan 8-aad ee BJFS ayaa waxaa si kumeel ah u shir guddoominaysa,Guddoominayo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, kaddib markii uu xilka baneeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo horay u ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka.










