Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka ballaaran ee badda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarinta dhaqaalaha buluugga ah iyo dhiirrigelinta maalgashiga lagu sameeyo kheyraadka badda ay door weyn ka qaadan karaan kobaca dhaqaalaha dalka, abuurista fursado shaqo iyo sare u qaadidda nolosha bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray la dagaallanka burcad-badeedda, isagoo xusay in dadaallada wadajirka ah ee dowladda iyo saaxiibbada caalamka ay horseedeen in si weyn loo yareeyo khatartii burcad-badeedda, taas oo fursad u abuureysa in si ammaan ah looga faa’iideysto khayraadka badda iyo maalgashigeeda.










