Thursday, August 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 hour ago
in Wararka
0
𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya Golaha Sare ee Garsoorka, si waafaqsan Qodobka 145-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha oo fadhi hore ku ansixiyay afarta xubnood ayaa maanta dib u sixid iyo badel ku sameeyay xubnahan kadib soojeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xubinka la badeley ayaa ah Mudane Cabdiqaadir Cali Macalin, waxaana lagu badeley xeeldheere sharci Mudane Aadan Kuuloow Macalin Qaasim.

Related posts

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

August 6, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Soomaaliya oo  kulan la yeeshay Boqorka Urdun Cabdalla II

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Soomaaliya oo kulan la yeeshay Boqorka Urdun Cabdalla II

August 6, 2026

𝐗𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐮𝐡𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐚𝐡:

1-Maxamed-deeq Macallin Aadan

2- Maryan Sheekh Cismaan

3-Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil

4- Aadan Kuuloow Macallin Qaasim

Xubnahan ayaa isugu jira Qareenno Sare, Xeeldheereyaal Sharci iyo Barayaal muddo dheer ka soo shaqeynayay horumarinta cilmiga iyo ku dhaqanka sharciga, kuwaas oo leh aqoon iyo waayo-aragnimo heer sare ah. Waxay xubinnimada Golaha Sare ee Garsoorka ku adeegayaan muddo shan (5) sano ah, iyagoo door muhiim ah ka qaadan doona gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha.

Xubnaha kale ee Golaha Sare ee Garsoorka ayaa ku imaanayaan xilkooda (Hadba Mas’uulka xilkaas haya uu ka mid noqonayo golahan), waxayna xilalkan kala yihiin:

1. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

2. Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka

3. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

4. Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Kore ee Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Caasimadda Jamhuuriyadda

5. Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadanaha.

Previous Post

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeed, dhagaystayna warbixino muhiim ah, sidoo kalena sixid ku sameeyay magacaabis hore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Soomaaliya oo  kulan la yeeshay Boqorka Urdun Cabdalla II

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Soomaaliya oo kulan la yeeshay Boqorka Urdun Cabdalla II

August 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa isaga iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda...

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay wafdi ka socday Ciidamada Difaaca dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay wafdi ka socday Ciidamada Difaaca dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda

August 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wufuud ka socotay Ciidamada Difaaca dalalka Ethiopia,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In