RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad si rasmi ah loogu shaacinayo, natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir,ee sanad dugsiyeedka 2025/2026.
Xafladda ayaa lagu soo bandhigay natiijada ardayda ka qeyb gashay imtixaanka, iyadoo la shaaciyay saddexda arday ee ugu sarreeya natiijada sanadkan.
- Kaalinta koowaad ee imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad waxaa ku guuleysatay Sumayo Xasan Abshir Aadan.
- Kaalinta labaad waxaa gashay Balqiisa Maxamed Cumar Maxamed.
- Halka kaalinta saddexaad uu ku guuleystay Ahmed Cabdinaasir Cabdullaahi Cabdi.
Guusha ardaydan ayaa noqotay mid farxad iyo bogaadin u keentay waalidiintooda, macallimiintooda iyo bulshada Soomaaliyeed, iyadoo munaasabadda Muqdisho ka socota ay qeyb ka tahay dadaallada lagu dhiirrigelinayo waxbarashada iyo horumarinta tayada aqoonta ardayda Gobolka Banaadir.
Mas’uuliyiinta waxbarashada ayaa sidoo kale hambalyo u diray dhammaan ardaydii ka qeyb gashay imtixaanka, iyagoo ku boorriyay inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho.














