Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya.
Waftiga ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, iyo Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda, Marwo Maardiya Maxamed Cabdi.
Waftiga Jaamacadda Muqdisho waxaa sidoo kale ka mid ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Qorsheynta iyo Hubinta Tayada, Mudane Cabdiwaale Sheekh Maxamed.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaca Waxbarashada, gaar ahaan sidii loo fududeyn lahaa adeegyada iyo taageerada ay u baahan yihiin ardayda Soomaaliyeed ee dalka Kenya u yimaada waxbarashada sare.
Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay tiir muhiim u ah horumarka bulshada, isla markaana Safaaraddu ay muhiimad gaar ah siinayso sidii loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha waxbarashada ee Soomaaliya iyo Kenya, loona fududeyn lahaa adeegyada ay u baahan yihiin ardayda Soomaaliyeed ee dalka Kenya wax ka barata.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya jaamacadaha iyo hay’adaha waxbarashada ee labada dal, si loo abuuro fursado cusub oo waxbarasho, cilmi-baaris iyo horumarineed, loona sii horumariyo tayada waxbarashada sare.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay muddooyinkii dambe si gaar ah ugu howlanayd sidii loo fududeyn lahaa caqabadaha waxbarasho ee haysta ardayda Soomaaliyeed ee dalka Kenya, iyadoo Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle uu dhowr toddobaad ka hor kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Golaha Imtixaanaadka Qaranka Kenya (KNEC), Dr. David Njengere, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa aqoonsiga iyo isu-ekeysiinta shahaadooyinka ardayda Soomaaliyeed.
Booqashada wafdigan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha waxbarashada iyo diblomaasiyadda, iyadoo Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya ay sii wadi doonto taageerada ardayda Soomaaliyeed iyo horumarinta iskaashiga waxbarasho ee labada dal.











