Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isbarasho iyo is-xogwareysi ku saabsan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha bani’aadantinimada, maareynta musiibooyinka iyo diyaar-garowga saameynta laga filayo ifafaalaha El Niño.
Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis, ayaa bogaadiyay dadaallada ay SoDMA ugu jirto ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka, isagoo caddeeyay sida ay UNDP uga go’an tahay taageeridda dadaallada lagu wajahayo xaaladaha bani’aadantinimo iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.









