Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa la wareegtay daawo iyo agab caafimaad oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee dalka kusoo laabanaya, si wax looga qabto baahiyahooda caafimaad.
Daawooyinkan oo ka kooban in ka badan 2,500 kun oo qaybood ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Liibaan Cabdi Cigaal, waxaa ku wareejiyay Ururka Isbitaallada Gaarka loo leeyahay iyo Ururka Ganacsatada Daawoleyda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Liibaan Cabdi Cigaal, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isku filanyihiin, isla markaana ay muhiim tahay in si gaar ah loo garab istaago dadka nugul.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in daawooyinkani wax badan ka tari doonaan xaaladda caafimaad ee dadka dalka dib loogu soo celinayo, ayna kusoo beegmeen xilli ay baahi weyn u qabeen.










