RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya iyo Hindise-Sharciyeedka Sharciga Amniga Saybarka Soomaaliya.
Labadan hindise-sharciyeed ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo nidaamka hay’adaha dowladda, ilaalinta amniga iyo sidoo kale horumarinta adeegyada la xiriira saadaasha hawada iyo amniga dhijitaalka ah ee dalka.
Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada ayaa diiradda saaraya dhismaha hay’ad awood u leh inay si rasmi ah u maamusho adeegyada saadaasha hawada, xogta cimilada iyo arrimaha kale ee la xiriira saadaasha iyo badqabka duulimaadyada iyo gaadiidka.
Sidoo kale, Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya ayaa muhiim u ah xoojinta ilaalinta xogaha iyo nidaamyada dhijitaalka ah, iyadoo la doonayo in la sameeyo hannaan sharci oo lagu wajahayo khataraha iyo weerarrada ka dhaca internet-ka iyo nidaamyada elektaroonigga ah.










