Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari iyo deegaannada hoostaga.
Gargaarkan ayaa loogu talagalay in lagu taageero qoysaska danyarta ah iyo dadka barakacayaasha ah ee ay saameeyeen xaaladaha abaareed ee ka jira qaybo ka mid ah dalka.
Deeqda raashinka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada SoDMA ee lagu garab istaagayo bulshada nugul, gaar ahaan dadka ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha bani’aadantinimo, iyadoo la xoojinayo gurmadka iyo taageerada loo fidinayo qoysaska u baahan gargaarka degdegga ah.
SoDMA ayaa sidoo kale ugu baaqday hay’adaha iyo dhinacyada ay khuseyso inay sii xoojiyaan dadaallada lagu taageerayo dadka ay saameeyeen abaaraha.










