Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
27 minutes ago
in Wararka
0
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo xiray Dufcaddii 12-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo la baray Xeerka ciqaabta , xuquuqda aadanaha, xirfado kala duwan oo caafimaadka iyo isgaarsiinta ka mid tahay, cilad bixinta hubka , iyo xeeladaha dagaalka ee tabaha kala duwan ah.

Raโ€™iisul Wasaaraha, oo ay wehlinayeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidanka ku bogaadiyey dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed iyo difaaca dalkooda.

Related posts

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo leh tababar, tayo iyo awood ay si buuxda ugu gudan karaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Waxa uu sidoo kale ku boorriyey ciidanka cusub in ay ilaaliyaan sharcjga, ayna noqdaan kuwo ku suntan waddaniyad, daacadnimo iyo u heellanaanta difaaca dalka, si looga guuleysto kooxaha Khawaarijta ah iyo cid walba oo dalkooda u diiddan nabadda iyo horumarka ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Intii ay socotay munaasabadda, ayaa lagu soo bandhigay xirfadaha iyo aqoonta ciidan ee ay muddada tababarka ku qaateen ciidanka ka tirsan dufcaddan, kuwaas oo loo diyaariyey gudashada waajibaadka qaran ee ku aaddan difaaca dalka, sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagaixisada ah ee diiddan nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

Previous Post

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

September 28, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hayโ€™adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hayโ€™adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hayโ€™adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In