Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo looga hadlay ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada iyo Adkaysiga ku Salaysan Qiimeynta Khatarta (Recovery & Risk-Informed Resilience Function).
Shirka waxaa daah-furay Madaxa Horumarinta Mashaariicda SoDMA, Dr. Ismaaciil Jimcaale, isagoo adkeeyay muhiimadda wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo xoojinta awoodda qaranka ee saadaalinta iyo maaraynta khataraha.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay qaab-dhismeedka iyo sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda hay’adaha dowladda ee ku aaddan maaraynta khataraha, soo-kabashada iyo dhisidda adkaysiga qaranka.











