Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Maxamed Saalax Al-Muwallad.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo amniga Badda Cas.











