Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan Mudane Cabdinuur Daahir Fiidoow iyo diblomaasiyiinta safaaradda.
Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xafiisyada iyo goobaha shaqada xarunta. Sidoo kale waxa uu booqday qeyb si gaar ah loogu diyaariyay sawiro iyo muuqaalo ka tarjumaya taariikhda hodanka ah, dhaqanka, hiddaha iyo aqoonsiga qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo muujinaya sooyaalka iyo quruxda dalka Soomaaliya.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan Mudane Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa Wasiirka warbixin ka siiyey shaqada safaaradda, hawlaha diblomaasiyadeed ee ay wadaan iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo noqday wasiirkii ugu horreeyey ee booqda xarunta Safaaradda ayaa bogaadiyay dadaalka Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ee ku aadan matalaadda qaranka, ilaalinta danaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Danjiraha soo dhoweynta diirran iyo shaqada uu qaranka u hayo, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Azerbaijan, kor u qaadista isfahamka labada shacab iyo horumarinta sumcadda iyo danaha qaranka Soomaaliyeed.
Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa noqday safiirkii ugu horreeyay ee deegaan ah (Resident Ambassador) oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku matala dalka Azerbaijan, isagoo ku guuleystay xoojinta xiriirka iyo iskaashiya labada dal iyo in arday Soomaaliyeed la siiyo fursad waxbarasho oo bilaash ah kuwaas oo wax ka barta jaamacaddaha dalka Azerbaijan.











