Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kadib markii uu arkay qodobka 120-aad, farqadiisa 2-aad iyo qodobka 117-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, tixraacay Dastuurka, Xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, shuruucda iyo xeerarka u yaala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana amba-qaadaya hannaanka daah-furnaan, isla xisaabtan iyo dowlad-wanaag ku salaysan, islamar ahaantaasna garowsaday muhiimadda ay leedahay illaalinta habsami u socodka howlaha Wasaaradaha Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta iyo Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayuu meelmariyay xil-ka-qaadista hoos ku xusan.
Laga bilaabo maanta oo ay ku taariikhdu tahay 04/11/2026, waxaa xilka laga qaaday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Saciid Maxamed Maxamuud iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo iyo Gaadiidka Badda Fartuun Cabdiqaadir Faarax.
Xil-ka-qaadistan waxay dhaqangalaysaa marka uu saxiixo Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waana uu saxiixay.










