Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Dr. Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo xilkaas u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.
Madaxweynaha oo tix galiyay cabasho ka timid Garsoorayaasha dalka, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah, ayaa go’aansaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo hay’adaha garsoorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halleyn karo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay in uu ku guuleysto gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo xaqiijinta caddaaladda loo siman yahay.










