Thursday, November 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 hours ago
in Wararka
0
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug uga qeyb galay munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ku-xigeenkiisa, Guddoonka Golaha Wakiillada iyo xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, isagoo u rajeeyey inay ku guuleystaan gudashada masโ€™uuliyadda loo doortay, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta dowladnimada maamulkaas, isagoo sidoo kale uga mahadceliyey hoggaankii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug horumarka iyo dowlad-dhiska ay ka shaqeeyeen intii ay xilka hayeen, iyo shacabka reer Galmudug oo ka qeyb qaatay doorashooyinkii dhowaan ka dhacay deegaannada maamulkaas.

Related posts

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐š๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง (๐‡๐š๐ฅ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ)

November 4, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug ay calaamad muhiim ah u tahay horumarka dowlad-dhiska Soomaaliya, hirgelinta nidaamka federaalka iyo baahinta awoodaha dowladda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladda ay ahmiyad gaar ah siineyso dimoqraadiyeynta iyo xoojinta dhismaha Dowlad Goboleedyada iyo dowladaha hoose, si awoodda dowladda loogu soo dhoweeyo shacabka, loona xaqiijiyo metelaad iyo adeegyo dadweyne oo hufan.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in doorashooyinka tooska ah ee laga hirgeliyey caasimadda Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay muujinayaan dadaallada lagu xaqiijinayo himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah inay si toos ah u doortaan hoggaankooda, taas oo ahayd yididiilo Qaran muddo ka badan konton sano, tan iyo doorashadii 1969-kii.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si toos ah u qeexayo xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo soo xigtay qodobka 21-aad ee Dastuurka oo dammaanad qaadaya xaqa muwaadiniinta ee ka qeybgalka siyaasadda, iyo sidoo kale qodobbada 47-aad iyo 48-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlaya mabaadiโ€™da guud ee doorashooyinka iyo nidaamka doorasho toos ah oo ku dhisan qof iyo cod, iyo sidoo kale qodobka 49-aad ee Dastuurka oo qeexaya hayโ€™adaha sida tooska ah loo dooranayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golayaasha Wakiillada ee Dowlad Goboleedyada, golayaasha deegaanka iyo dowladaha hoose, isagoo tilmaamay in mabaadiโ€™daas dastuuriga ahi ay saldhig u yihiin dhismaha dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka, metelaad loo dhan yahay, isla-xisaabtan iyo sarreynta sharciga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hoggaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug ugu baaqay inay mudnaanta siiyaan xoojinta nabadda iyo amniga, dardargelinta dagaalka lagula jiro Khawaariijta, horumarinta adeegyada bulshada, la tacaalidda saameynta abaaraha iyo barakaca, abuurista fursado shaqo oo dhallinyarada ah, ilaalinta hantida dadweynaha iyo dhismaha hayโ€™ado dowladeed oo hufan, wuxuuna ugu baaqay Golaha Wakiillada iyo golayaasha deegaanka inay si buuxda u gutaan waajibaadkooda metelaadeed, sharci-dejineed iyo isla-xisaabtanka, iyagoo ilaalinaya danaha guud ee shacabka.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Galmudug inay garab istaagaan hoggaanka cusub, kana wada shaqeeyaan danaha guud, isla markaana khilaaf kasta lagu xalliyo wadahadal iyo hannaan sharci ah.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu sii wadi doono doorkiisa ku aaddan xoojinta nidaamka federaalka iyo dejinta sharciyada dhammaystiraya qaab-dhismeedka dowladnimada, wuxuuna caddeeyey in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay inuu Golaha Wakiillada ee Dowlad Goboleedka Galmudug la wadaago waayo-aragnimadiisa ku aaddan metelaadda, sharci-dejinta, kormeerka iyo la-xisaabtanka Golaha Fulinta, si loo xoojiyo iskaashiga iyo is-waafajinta sharciyada heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Previous Post

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐š๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง (๐‡๐š๐ฅ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ)

Next Post

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

Next Post
MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐š๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง (๐‡๐š๐ฅ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ)

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐š๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง (๐‡๐š๐ฅ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ)

November 4, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasime ku-xigeenka Xarunta Adeegyada Mideysan (Halmeel). Mudane Xamsa oo cuskanaya...

XIL-KA QAADIS IYO MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE DALKA

XIL-KA QAADIS IYO MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE DALKA

November 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Dr. Baashe Yuusuf...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In