RADIO MUQDISHO:-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, kulankaas oo ka dhacay magaalada Accra ee dalka Ghana, intii lagu guda jiray kalfadhiga 28-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Afrika, loona horumarin lahaa iskaashiga labada dhinac ee socda.
Sidoo kale, waxay is weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladaha iyo horumarrada ka jira gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.












