Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta xarunta Wasaaradda kula kulmay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf.
Kulanka ayaa looga hadlay baahiyaha adeegyada socdaalka ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, gaar ahaan doorka safaaradaha iyo xafiisyada diblomaasiyadeed ee diiwaangelinta muwaadiniinta si ay u helaan baasaboorka cusub.
Labada masuul ayaa isku raacay xoojinta wada shaqeynta iyo fududeynta adeegyada socdaalka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool ay adeegyadaas uga heli karaan dalalka ay ku sugan yihiin.











