Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aabe Axmed “Al shabaab Xoolaheena way dhaceen, dadkii way Laayeen, Tuulooyinkeena way gubeen’’+Warbixin

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Aabe Axmed “Al shabaab Xoolaheena way dhaceen, dadkii way Laayeen, Tuulooyinkeena way gubeen’’+Warbixin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Degaanka Baxdo ee Gobalka Galgaduud oo qiyaastii 90 Kilomitir dhanka beri ka xiga Magaalada Cadaado, ayaa waxaa soo gaaray Qoysas Xoolo dhaqato ah oo kasoo barakacay Boob, Dil iyo Falal arxan daro oo Maleeshiyada Al shabaab ay kula kaceen.

Aabe Axmed waxa uu ka mid yahay dadka kasoo barakacay gumaadka ay Maleeshiyada Al shabaab ku hayeen, isagoona sheegay in dadkiisa ay dileen Argagaxisada Al shabaab, Beero iyo guryo uu lahaana ay ka gubeen.

Related posts

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026

“Al shabaab ayaa nasoo barakiciyay, Xoolo hadaan laheyn naga dhacay Maal hadaan laheyn naga qaatay, Nafteena noogu yimid, dadkii naga laayay, Tuulooyinkiina naga baabi’iyay, dadka Baxdo jooga ayaan u nimid si fiican ayay soo dhaweeyeen, aad iyo aad ayaana ugu baahanahay in gurmad nala soo gaarsiiyo”.

Xabiibo oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo wadatay 7-caruur ah oo mid ka mida uu ka saqiiray ayaa sheegtay inay kasoo barakacday deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug ka dib markii Al shabaab ay ka gubeen Maqaayad iyo Dukaan ay laheyd isla markaana ay dhaceen hantideeda, nafteedana ay kala soo carartay.

“Waxaan ku suganahay Baxdo, dadkii ugu horeeyay ee soo qaxay ayaan ka mid ahay Maqaayad iyo Dukaan ayay iga gubeen Al shabaab, waxaan lasoo barakacay Todobo caruur ah hal ka mida ayaa iga saqiiray, runtii dhibaatooyin xoogan ayay na gaarsiin Al shabaab, dhac iyo boob, hantideena oo dhan way gubeen, walaalaha Soomaaliyeed ayaan ka codsaneynaa inay nasoo caawiyaan, Barakacayaal tira badan oo Labo Boqol gaaraya ayaa yimid oo wax ay heystaan jirin”.

Dhibanayaashan kasoo cararay Dhibaateynta Al shabaab ayaa sheegay in tiradooda ay ku dhowdahay 700 oo qoys, waxayna Dowlada Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed ka codsadeen in loo gurmado maadaama Nabad diidka Al shabaab ay hantidooda iyo wixii ay heysteen ay dhaceen.

Kooxda Jid iyo Jiha diidka ee Arxan laawayaasha Al shabaab ayaa had iyo jeer u taagan dhibaateynta iyo dhicida Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, iyagoona ka leexday qiyamka iyo wanaaga diinta suuban ee Islaamka.

Previous Post

Saraakiil Boolis ah oo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Soomaaliya

Next Post

Maamulka Gobolka Sh.Hoose “Dhamaan Deegaanada Al Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka waa laga xoneynayaa dhawaan”

Next Post
Maamulka Gobolka Sh.Hoose “Dhamaan Deegaanada Al Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka waa laga xoneynayaa dhawaan”

Maamulka Gobolka Sh.Hoose "Dhamaan Deegaanada Al Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka waa laga xoneynayaa dhawaan"

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca...

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In