Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Facebook, Whatsapp iyo Instagram oo mar qura hawada ka baxay, Akhriso sababta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Facebook, Whatsapp iyo Instagram oo mar qura hawada ka baxay, Akhriso sababta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aaladaha Facebook, Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa mar qura hawada ka baxay kadib markii ay ku timid cilad, taasi oo keentay inay saameyso dad aad u fara badan oo dunida ku kala nool.

Al-Jazeera ayaa ku warantay in dadka isku daya inay galaan facebook ay ka hor imanayso farriin dhaheysa “Raali noqo, waxbaa qaldan. waan ka shaqeyneynaa, waana xallin doonnaa, sida ugu dhaqsiyaha badan oo aan u awoodno”.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

“Waxaan ka warqabnaa in dadka qaar ay dhib badan ku qabaan helidda ama gelidda baraheenna” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxda shirkadda Facebook, kaasi oo lagu daabacay barta Twitter-ka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Waxaan ka shaqeyneynaa inay wax waliba sidii caadiga ahaa ku soo laabtaan sida ugu dhaqsiyaha badan, uguna macquulsan, waxaana idinka raali gelineynaa caqabadda ku timid dhanka isticmaalka”.

Cilladdan ayaa timid maalin kadib markii gabar ka shaqeyn jirtay Facebook ay ka tagtay, balse dib laga ogaaday inay horay u qaadatay dokumentiyo sir ah, sida barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ee Mareykanka uu shaaciyey, in shirkadda ay qarisay xogta daraasad ay ku ogaatay in bogaggeeda ay huriyaan naceybka iyo rabshadaha, halisna ku yihiin maskaxda caruurta.

Gabadhaan oo lagu magacaabo Frances Haugen, oo ah 37 jir ah kana soo jeeda gobolka Iowa, ayaa sheegtay inay la soo shaqeysay shirkadaha Google iyo Pinterest, balse aysan arag wax loo dhigo sida ay Facebook u xun tahay.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia “SAWIRRO”

Next Post

Milkiilaha Shirkadda Facebook Zuckerberg oo qasaaray $6 Billion oo dollar saacado yar gudahood

Next Post

Milkiilaha Shirkadda Facebook Zuckerberg oo qasaaray $6 Billion oo dollar saacado yar gudahood

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In