Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka oo kormeeray xerada gaadiidka ciidanka xoogga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka oo kormeeray xerada gaadiidka ciidanka xoogga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abaanduulaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay xerada gaadiidka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee degmada Waaberi  halkaasoo uu tababar uga socdo askar ka tirsan ciidanka, kuwaasoo loo tababarayo wadista gawaaarida iyo farsamadooda.

Abaanduulaha ayaa ugu horeyn salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee tababarka u socda, waxaana uu intaa kaddib kormeer ku sameeyay fasalada ay casharada ku qaataan, iyagoo qaarkood warbixin kooban abaanduulaha ka siiyay sida ay wax u bartaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Madaxa hogaanka gaadiidka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Maxamed Maxamuud Garabey ayaa sheegay in kormeerka abaanduulaha ay dhiira gelin u tahay ciidanka tababarka u socdo.

“Sharaf ayay noo tahay in abaanduulaha uu na soo booqdo, waxaan dareemeynaa in aan horumar sameyneyno, haddii ay ahaan lahayd xagga waxbarashada iyo xiriirka aan la leenahay shacabka, runtii tani waxa ay dhiiri gelin u tahay ciidanka tababarka qaadanaya” ayuu yiri Gaashaanle sare Maxamed Maxamuud Garabey.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in askarta uu tababarka u soconayo ay qeyb ka yihiin qorshaha diyaarinta iyo tayeynta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee ay dowladda waddo.

“Halka aan soo booqanay waa xerada gaadiidka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaan ugu talagalnay in lagu tababaro ciidankii wadi lahaa gaadiidka cusub ee nalagu deeqay, runtii waxaa kaloo ay baranayaan farsamada gaadiidka nuucyadooda kala duwan, waxaan u rajeynayaa inay ka soo bixi doonaan ciidan leh farsamada gaadiidka” ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka Xoogga.

Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa mudooyinkan dambe waxa ay waday qorshayaal ay ku dooneyso in ay dib ugu howlgeliso xarumihii Wasaaradda ee magaalada Muqdisho iyo Gobollada dalka, taasoo qeyb ka ah hanaanka la doonayo in dib loogu soo celiyo awoodii iyo heybadii uu laa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

 

 

Previous Post

Ciidamada amniga oo ku guuleystay inay qarax ka furaan gaari lagu soo xiray

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In