Kulankaan oo uu soo agaasimay Maamulka Degmada Gaalkqcyo, loogana hadlayay baxaada abaarta ka jirata Gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, waxaana kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaanno, Waxgarad Culimaa’udiin iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Gaalkacyo .
Kulanka oo ujeedkiisu ahaa Warbixin laga siinayay xubnaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Galmudug abaarta sameeynta xoogan u geeysatay Qoysaska Xoola Dhaqatada ee ku nool Gobolka Mudug iyo sida gar gaar ugu baahanyihiin reer Miyiga ku xoola waayay abaarta .
Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yusuf Barre ayaa mas’uuliyiinta u sharxay abaarta ka jirta qaar ka mid ah deegaannada gobolka oo uu tilmamay inay u baahanyihiin kaalmo deg deg ah.
Xildhibaano Maxamed Calool Geel iyo Waxgarad Culimaa’udiinkii Kulanka ka soo qayb galay ayaa dhankooda ka hadlay baxaadda abaarta bulshada ku hayso kuna baaqay in gurmad dhinacyo badan lala gaaro.
Wasiirka Dakadaha dowlad goboleedka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii kulanka loogu sharxayay saameeynta abaarta iyo sida gurmadka loo gaarsiin karo qoysaska tabaaleysan ayaa hay’adaha samafalka ugu baaqay inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan shacabka Gobolka Mudug oo ay saameysay abaarta ka jirta dalka.