Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex oo maanta Daaweyn Caafimaad loogu qaaday Turkiga

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex oo maanta Daaweyn Caafimaad loogu qaaday Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Abwaan Cabdullahi Xirsi Baarleex oo sanooyinkaan dambeba ku xanuunsanaa Magaalada hargeysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed ayaa Maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho, si baaritaan Caafimaad loogu sameeyo Dalka Turkiga.

Abwaanka ayaa muddooyinkaanba la il darraa xanuun, isagoo Dowladda Soomaaliya weydiistay inay baaritaan Dalka dibaddiisa ah loogu diro, maadaa loo sheegay in Dalka gudahiisa aanan wax looga qaban karin, ayaa waxaa haatan balanqaaday islmarkaana dammaanad qaaday Caafimaadkiisa iyo daaweyntiisaba Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed farmaajo.

Garoonka Aadan Cadde oo uu ka ambabaaxay Abwaan Cabdullahi Xirsi Baarleex oo dalka turkiga xaalad Caafimaad awgeed uu ugu diray Madaxweynaha Soomaalia mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo kadib markii gudaha dalka xaaladiisa lagula tacaali waayay ayaa waxaa sii sagootiyey Xildhibaan Cilmi Cumar Ceysane, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdunuur Maxamed Axmed, Mareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre Abwaan Cismaan Cabdullahi Guure iyo qaarka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed ee Muqdisho ku dhaqan.

Abwaan Cabdullaahi Xirsi Baarleex oo warbaahinta la hadlay ka hor intuusan ka ambabixin Garoonka Diyaradaha Aadan Cabdulle waxa uu u mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo u suurtgaliyay inuu maanta u dhoofo Dalka Turkiga, si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad.

Maareeyaha Golaha Murtida iyo wacyi galinta Qaranka Cismaan Cabdullhi Guure oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegey in Madaxweynaha Soomaaliya uusan Abwaan Cabdullhi Xirsi Baarleex ka kow aheyn fanaaniinta iyo abwaanada uu Caafimaad dibadda ah u diray taana ay uga mahad celinayaan.

Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay kuwa baraha Bulshada sida khaldan uga hadlaya Safarka Abwaan Baarleex farriinna u diray dadkaasi.

Abwaan Cabdullhi Xirsi Baarleex oo ah Abwaan Qaran ayaa Magaalada Muqdisho soo gaarey bishii maarso ee sanadkaan, waxa uuna ka yimid Gobolada Waqooyi ee Dalkeena oo uu muddo ku xanuunsanayay.

Previous Post

Turkish Military in Qatar: Bonds of mutual trust

Next Post

Maskaxdii ka dambeysay Qarixii Zoobe oo cudurka Kansarka la ildaran iyo loolan ka dhextaagan Alshabaab.

Next Post
Maskaxdii ka dambeysay Qarixii Zoobe oo cudurka Kansarka la ildaran iyo loolan ka dhextaagan Alshabaab.

Maskaxdii ka dambeysay Qarixii Zoobe oo cudurka Kansarka la ildaran iyo loolan ka dhextaagan Alshabaab.

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In