Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afhayeenka Ciidanka Booliska oo Warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkii ka dhacay Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Afhayeenka Ciidanka Booliska oo Warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkii ka dhacay Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xarunta Taliska Ciidamada Booliska shir jiraa’id ku qabtay ayaa warbaahinta la wadaagay warbixin la xiriirta xaaladihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka shantii maalin ee u dameysay.

Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe), Afhayeenka Ciiidamada Booliska ayaa warbaahinta ugu horreyn la wadaagay dhacdooyinka amniga liddiga ku ah, kuwaas oo ka dhacay qaar ka mid ah Maamul Gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026
Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026

Afhayeenka ayaa sheegay in October 18, 2023-ka Ciidamada Booliska oo hawlgal ka sameeyey deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee Dowlad Gobaleedka Galmudug ay ku qabteen gaari nuuca looyaqaan Nooha, kaas oo Khawaariijta u waday agab raashin ah oo ay isticmali rabeen.

Ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan laba beelood oo walaalo ah, kuwaas oo ku dagaalamay deegaano hoosyimaada degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Gaashaanle Saadiiq ayaa sheegay in October 21, 2023-ka waaxda Kordamac ee degmada Dayniile ay xubno ka tirsan Khawaariijta oo watay mooto Bajaaj ay Bam gacmeed ku tureen dad shacab ah, iyada oo Ciidamada Booliska ay dabagal ku sameeyeen, ka dib markii xogo ay ka heleen dadka deegaanka.

October 20, 2023-ka Saldhiga degmada Wadajir ayaa lagu soo xiray eedeysane lagu magacaabo Haadi Xuseen Cabdulle, kaas oo dhaawac toorey ah u geystay qof dhibane ah oo lagu magacaabo Cadnaan Ibraahim Samow, xilli uu Taleefanka uu ka qaadan rabay.

October 21, 2023-ka degmada Diinsoor ee dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, waxaa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Mayow oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, iyada oo Afhayeenka uu sheegay in la yaqaano shaqsiga dilka geystay.

Isla maalintaas Ciidamada Booliska ayaa Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka soo xiray 14 eedeysane kuwaas oo lagu eedeeyey in ay kufsadeen Wiil yar oo da’diisa ahayd 11, iyada oo Ciidamada Booliska Puntland ay baaris ku sameeyeen eedeysanayaashaan, xilli laga qaaday barista hidde sidaha ee DNA.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciiidamada Booliska Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in October 21, 2023-ka gaari ay Khawaariijta ka soo buuxsheen waxlaha Qarxa ay damceen in ay soo galiyaan Caasimadda ku qarxay bar kontarool oo ku taal deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka Magaalada Muqdisho.

Khasaaraha uu geystay Qaraxa ayaa gaaraya dhimashada lix qof; oo afar ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada Xasilinta oo goobta ku sugnaa, halka labada kale ay ahaayeen kuwa shacab ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacantay sagaal qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada iyada oo afarta kale ay ahaayeen dad shacab ah, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

 

Previous Post

Maamulka Gobalka oo dhagax dhigay dhismaha waddo ku taal Xamar  weyne

Next Post

Dowladda oo ciidan kala dhex dhigtay beelo ku dagaalamay Shabeelaha Dhexe

Next Post
Dowladda oo ciidan kala dhex dhigtay beelo ku dagaalamay Shabeelaha Dhexe

Dowladda oo ciidan kala dhex dhigtay beelo ku dagaalamay Shabeelaha Dhexe

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Danjiraha JFS ee South Africa Amb. Mohamed Sheikh issak, ayaa shalay uga qeybgalay shir Magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest...

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay...

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo kala jeeda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi Bari...

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In