Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afti Tirada Baarlamaanka Talyaaniga Lagu Yareyn Doono Oo Ka Qabsoontay Dalkaas

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Afti Tirada Baarlamaanka Talyaaniga Lagu Yareyn Doono Oo Ka Qabsoontay Dalkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Codbixiyeyaasha Talyaaniga ayaa maanta u codeyn doona isbedel lagu sameynayo tirada baarlamaanka dalkaas, si kharash faraha badan ee ku baxa xubnaha baarlamaanka loo yareeyo.

Aqalka hoose ee baarlamaanka Talyaaniga oo hadda ah 634 mudane ayaa laga soo reebi doonaa 400 oo xildhibaan, halka aqalka sare oo ka kooban 315 laga dhigi doono 200 oo senator.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Ku dhawaad 70% dadka waxay u codeyn doonaan isbedelka lagu sameynayo tirada golayaasha baarlamaanka.

Aftidan waxaa gadaal ka riixeya dhaq dhaqaaqa shanta xidig kuwaas oo qeyb ka ah isbaheysiga talada haya waxaana uu dadweynaha ku boorinayaa in talaabadan ay yareynayso lacagta ku baxda xubnaha baarlamaanka Talyaaniga.

Sidoo kale, waxaa barbar socota doorashada dhowr gobol, iyadoo natiijada ay u muuqato mid dib u dhac ku ah xisbiga midigta fog ee uu hogaamiyo Matteo Salvini halka ay u riyaaqi doonaan xisbiga bidixda dhexe ee ra’iisul wasaare Giuseppe Conte oo ka tirsan isbaheysiga talada haya hadda.

Tirada guud ahaan baarlamaanka labada aqal ee Talyaaniga ayaa hadda ah 945 mudane, waxaana laga dhigi doonaa 600 oo xildhibaan.

Sidoo kale, wax ka bedel ayaa lagu sameyn doonaa dastuurka dalka ka hor doorashada 2023.

Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga  Luigi Di Maio, isla markaana kamid ah saraakiisha sar sare ee dhaq dhaqaaqa shanta Xidig, waxaa uu natiijada ku sifeeyay mid taariikhi ah.

October sanadkii hore, dhaq dhaqaaq shanta xidig waxay sheegeen in dalka u soo hari doonto dhaqaale 1bn 10 sano gudahood.

Hogaamiyaha mucaaradda xisbiga midigta fog Matteo Salvini waxaa uu doonayay in uu guul weyn ka soo hoyo doorashadan laakiin waxaa ay u muuqdaan kuwo natiijo wanaagsan ka keenay gobolka bariga ku yaala Marche.

Sidoo kale, xisbiga bidixda dhexe ee dimoqraadiga ah ayaa xukumi doona sadex gobolka oo ay kamid yihiin Tuscany iyo Puglia, musharaxa xisbiga ayaa guushaas ku tilmamay mid aan caadi aheyn.

Gobolka waqooyi bari ee Veneto waxaa guul weyn ka soo hoyay Luca Zaia oo heley 75.9%  isagoo ka adkaaday Matteo Salvini.

Tags: Afti Tirada Baarlamaanka Talyaaniga Lagu Yareyn Doono Oo Ka Qabsoontay Dalkaas
Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo ku wajahan deegaano ka tirsan Galgaduud.

Next Post

Taliyaha Ciidamada AMISOM oo booqday ciidamo ku sugan Jowhar

Next Post
Taliyaha Ciidamada AMISOM oo booqday ciidamo ku sugan Jowhar

Taliyaha Ciidamada AMISOM oo booqday ciidamo ku sugan Jowhar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In