Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay uu xilka kula wareegayay Agaasimaha Guud ee Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS,  waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka kala socatay qaar ka mid ah Wasaaraddaha Dalka Xildhibaano ka tirsan Golaha shacbak iyo madax tirsan wasaaradda beeraha ee Dowladda Soomaaliya.

Agaasimahii hore wasaaradda Beeraha iyo Waraabka   Pro: Maxamuud Maxamed Maxamuud   ayaa tilmaamay  inuu la shaqeyn doono Agaasimaha Cusub ee wasaaradda ,waxaana uu alle uga baryay inuu u fududeeyo Xilka culus ee loo dhiibay.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Waan soo dhawweynayaa in aan xilka ku wareejiyo walaalkeey aniga waxaan wasaarada ka shaqo bilaabay 82-dii welina waxaan diyaar u ahay in aan la sii shaqeeyo” ayuu yiri Pro: Maxamuud Maxamed Maxamuud

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Pro: Nuur Yuusuf Nuur ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono Horumarinta Arrimaha Beeraha.

“Waxaan rabaa in ka codsado agaasimaheenii hore koleey Mas’uuliyada waad igu wareejisay ee maadaama aadan waayo aragnimadaada igu wareeji karin Cilmigaaga ha igala dheeraan”Ayuu yiri Pro: Nuur Yuusuf Nuur.

Xildhibaan Sakariye xaaji  Cabdi oo ah Gudoomiyaha Guddiga Beeraha ee golaha shacabka ayaa ugu baqay  masuuliyiinta  wasaaradda in laga faa’iideysto khibradda uu leeyahay Agaasimaha xilka wareejiyay, dardaaranna u jeediyey maamulka cusub.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya  Xildhibaan  Saciid Xuseen Ciid ayaa ugu hambalyeey  Agaasimaha  Guud Cusub ee Wasaaraddaasi xilka loo magcaabay waxaana uu urajeyay inuu kazoo bixi doono Howsha Culus ee loo dhiibay,sidoo kalena waxaa uu uga hamahadceliyay shaqadii wanaagsaneed ee uu soo qabtay Agaasimahii Hore ee Wasaaraddaasi.

“Agaasimihii hore sida uu hada xilka u wareejiyay ayaa calaamad u ah qibradiisa waana ka sii faa’iideysan doonaa waayo aragnimadiisa, agaasimaha cusub waxa aan u rajeynayaa in uu ka soo dhalaali doono shaqadiisa” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya  Xildhibaan  Saciid Xuseen Ciid.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa sara u qaadista waxsoo saarka Beeraha dalka ,si looga kaaftoomo cunooyinka Dalka dibaddiisa ka yimaada,oo aan mararka qaar gaarsiisneyn heerkii loogu talagalay, dhinaca tayada.

Previous Post

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka oo Bariire kula kulmay saraakiisha hoggaaminaysay qabsashada deegaankaas+sawiiro

Next Post

Golaha Wasiirrada Oo Magacaabay Taliyaasha Difaaca, Nabad Sugidda, Booliiska Iyo Asluubta

Next Post
Golaha Wasiirrada Oo Magacaabay Taliyaasha Difaaca, Nabad Sugidda, Booliiska Iyo Asluubta

Golaha Wasiirrada Oo Magacaabay Taliyaasha Difaaca, Nabad Sugidda, Booliiska Iyo Asluubta

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In