Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud Ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka Oo xilka La Wareegay

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud Ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka Oo xilka La Wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha u qaabbilsan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Aadam Hoosow, ayaa Madaxtooyada Qaranka xilka ugu kala wareegay Agaasimihii hore Dr. Dr. Cali Ciise Cabdi.

Xafladda Xilwareejinta, waxa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh, isaga oo bogaadiyay shaqadii wax-ku-oolka ahayd ee ay qabteen xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ay hoggaaminayeen Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Dr. Aweys Sheekh, isaga oo sidoo kalena u hambalyeeyay xubnaha cusub ee Madaxweynuhu u magacaabay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow.

Related posts

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026

Mudane Cabdisalaan Cartan oo ka tirsan hawlwadeennada Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa soojeedin kooban oo ku aaddan qaab-dhismeedka, shaqada iyo waxqabadka Golaha ka sameeyay munaasabadda Xilwareejinta.

Dhankooda, Prof. Xuseen Warsame iyo Prof. Xuseen Siyaad oo ka mid ahaa xubnihii hore ee La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka, ayaa soo dhaweeyay isbeddelka cusub, iyaga oo si qotodheer u faahfaahiyay shaqadii ay Qaranka u hayeen sannadihii la soo dhaafay, cilmibaaristii ay sameeyeen iyo la-talintii ay dawladda ka siin jireen arrimaha mudnaanta u leh dardargelinta soo kabashada iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Xubnaha hore, ayaa sidoo kale u hambalyeeyay xubnaha cusub ee La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka, iyaga oo u rajeeyay in ay si wanaagsan u gutaan xilkooda, una ballan-qaaday in ay la garab istaagi doonaan wixii talo iyo taageero ah ee ay uga baahdaan.

Intii ay munaasabaddu socotay, waxa iyana khudbado kooban jeediyay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka Mudane Maxamed Haaruun, iyaga oo dhammaantood bogaadiyay hawshii mugga lahayd ee ay xubnihii hore qabteen, sidoo kalena dardaaran siiyay xubnaha iyo agaasinka cusub.

Dr. Aweys Sheekh oo ah Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ku hadlayay magaca guddoonkii hore, ayaa guudmar ku sameeyay waxqabadkii Golaha ee isugu jiray cilmibaarista kala duwan, la-talinta dawladda, qabanqaabada madallo sannadle ah oo lagaga doodayo arrimaha mudnaanta u leh dhaqaalaha qaranka iyo barnaamijyadii fulay intii ay xilka hayeen. Guddoomiye Aweys ayaa hambalyeeyay xubnaha cusub ee la magacaabay iyo agaasinkooda isaga oo ballan-qaaday inay ku taageeri doonaan wixii talo ah ee ay uga maarmi waayaan.

Dhankiisa, Dr. Xasan Aadam Hoosow, Agaasimaha Guud ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha u qaabbilsan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay, ayaa u mahadceliyay xubnihii hore ee Golaha,isaga oo sidoo kalena faahfaahiyay barnaamijyada u qorshaysan inay fuliyaan iyaga oo ka duulaya aragtida Madaxweynaha ee “Soomaali Isku Filnaatay” taasi oo ku salaysan sidii dalka dhaqaalihiisa loo kobcin lahaa, loona dardargelin lahaa hirgelinta qorshayaal iyo siyaasado dhaqaale oo la jaanqaadaya isbeddellada casriga ah ee dhanka teknaloojiyadda.

Ugu dambayntii, waxa munaasabadda Xilwareejinta Golaha Dhaqaalaha Qaranka si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Nuur isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda Goluhu u leeyahay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Qaranka, wuxuuna ballan-qaaday in Wasaaraddiisu ay si dhaw ula shaqayn doonto Golaha iyaga oo tixgelin doona talooyinka waxtarka leh ee ay la wadaagaan. Wasiirka ayaa u mahadceliyay xubnihii iyo guddoonkii hore ee Golaha isaga oo ku ammaanay shaqadii muhiimka ahayd ee ay dalka u qabteen, wuxuuna xubnaha cusub iyo agaasinkooda u rajeeyay in Eebbe la garab-galo hawsha culus ee loo igmaday.

Wasiir Cilmi Nuur, ayaa gebagebadii munaasabadda si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay guddoonkii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu metelayay Dr. Aweys Sheekh iyo Agaasimaha cusub ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow.

Munaasabadda Xilwareejinta Golaha Dhaqaalaha Qaranka waxa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal, la-taliyayaal iyo marti sharaf kale oo metelayay qaybaha kala duwan ee bulshada.






 

Tags: Agaasimaha Guud Ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka Oo xilka La Wareegay
Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Safiirka Midowga Yurub

Next Post

Guddiga Miisaaniyadda Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Qorshyenta 

Next Post
Guddiga Miisaaniyadda Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Qorshyenta 

Guddiga Miisaaniyadda Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Qorshyenta 

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Cabdullaahi Maxamed Daahir oo ay wehliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidoow...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In