Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud Ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka Oo xilka La Wareegay

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud Ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka Oo xilka La Wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha u qaabbilsan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Aadam Hoosow, ayaa Madaxtooyada Qaranka xilka ugu kala wareegay Agaasimihii hore Dr. Dr. Cali Ciise Cabdi.

Xafladda Xilwareejinta, waxa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh, isaga oo bogaadiyay shaqadii wax-ku-oolka ahayd ee ay qabteen xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ay hoggaaminayeen Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Dr. Aweys Sheekh, isaga oo sidoo kalena u hambalyeeyay xubnaha cusub ee Madaxweynuhu u magacaabay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Mudane Cabdisalaan Cartan oo ka tirsan hawlwadeennada Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa soojeedin kooban oo ku aaddan qaab-dhismeedka, shaqada iyo waxqabadka Golaha ka sameeyay munaasabadda Xilwareejinta.

Dhankooda, Prof. Xuseen Warsame iyo Prof. Xuseen Siyaad oo ka mid ahaa xubnihii hore ee La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka, ayaa soo dhaweeyay isbeddelka cusub, iyaga oo si qotodheer u faahfaahiyay shaqadii ay Qaranka u hayeen sannadihii la soo dhaafay, cilmibaaristii ay sameeyeen iyo la-talintii ay dawladda ka siin jireen arrimaha mudnaanta u leh dardargelinta soo kabashada iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Xubnaha hore, ayaa sidoo kale u hambalyeeyay xubnaha cusub ee La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka, iyaga oo u rajeeyay in ay si wanaagsan u gutaan xilkooda, una ballan-qaaday in ay la garab istaagi doonaan wixii talo iyo taageero ah ee ay uga baahdaan.

Intii ay munaasabaddu socotay, waxa iyana khudbado kooban jeediyay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka Mudane Maxamed Haaruun, iyaga oo dhammaantood bogaadiyay hawshii mugga lahayd ee ay xubnihii hore qabteen, sidoo kalena dardaaran siiyay xubnaha iyo agaasinka cusub.

Dr. Aweys Sheekh oo ah Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ku hadlayay magaca guddoonkii hore, ayaa guudmar ku sameeyay waxqabadkii Golaha ee isugu jiray cilmibaarista kala duwan, la-talinta dawladda, qabanqaabada madallo sannadle ah oo lagaga doodayo arrimaha mudnaanta u leh dhaqaalaha qaranka iyo barnaamijyadii fulay intii ay xilka hayeen. Guddoomiye Aweys ayaa hambalyeeyay xubnaha cusub ee la magacaabay iyo agaasinkooda isaga oo ballan-qaaday inay ku taageeri doonaan wixii talo ah ee ay uga maarmi waayaan.

Dhankiisa, Dr. Xasan Aadam Hoosow, Agaasimaha Guud ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha u qaabbilsan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay, ayaa u mahadceliyay xubnihii hore ee Golaha,isaga oo sidoo kalena faahfaahiyay barnaamijyada u qorshaysan inay fuliyaan iyaga oo ka duulaya aragtida Madaxweynaha ee “Soomaali Isku Filnaatay” taasi oo ku salaysan sidii dalka dhaqaalihiisa loo kobcin lahaa, loona dardargelin lahaa hirgelinta qorshayaal iyo siyaasado dhaqaale oo la jaanqaadaya isbeddellada casriga ah ee dhanka teknaloojiyadda.

Ugu dambayntii, waxa munaasabadda Xilwareejinta Golaha Dhaqaalaha Qaranka si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Nuur isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda Goluhu u leeyahay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Qaranka, wuxuuna ballan-qaaday in Wasaaraddiisu ay si dhaw ula shaqayn doonto Golaha iyaga oo tixgelin doona talooyinka waxtarka leh ee ay la wadaagaan. Wasiirka ayaa u mahadceliyay xubnihii iyo guddoonkii hore ee Golaha isaga oo ku ammaanay shaqadii muhiimka ahayd ee ay dalka u qabteen, wuxuuna xubnaha cusub iyo agaasinkooda u rajeeyay in Eebbe la garab-galo hawsha culus ee loo igmaday.

Wasiir Cilmi Nuur, ayaa gebagebadii munaasabadda si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay guddoonkii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu metelayay Dr. Aweys Sheekh iyo Agaasimaha cusub ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow.

Munaasabadda Xilwareejinta Golaha Dhaqaalaha Qaranka waxa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal, la-taliyayaal iyo marti sharaf kale oo metelayay qaybaha kala duwan ee bulshada.






 

Tags: Agaasimaha Guud Ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka Oo xilka La Wareegay
Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Safiirka Midowga Yurub

Next Post

Guddiga Miisaaniyadda Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Qorshyenta 

Next Post
Guddiga Miisaaniyadda Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Qorshyenta 

Guddiga Miisaaniyadda Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Qorshyenta 

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In