Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Dhuxulow, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha socdaalka, dhismaha awoodda shaqaalaha, iyo fududeynta adeegyada socdaalka labada dal.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray taageerada Dowladda Turkiga ee ku aaddan dhismaha awoodda (capacity building) saraakiisha HSJ. Safiirka ayaa muujiyay in Dowladda Turkiga ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato tababarrada farsamo, aqoon-is-weydaarsiyada, iyo barnaamijyada kor loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha, oo ay ku jiraan tababbarro lagu qaban karo gudaha dalka iyo kuwo dibadda ah (Training of Trainers – ToTs).
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay taageerada lagu horumarinayo Akadeemiyadda Socdaalka, si loo xoojiyo tayada iyo hufnaanta adeegyada ay bixiso HSJ. Dowladda Turkiga ayaa ka qayb qaadaneysa taageero farsamo iyo mid agab si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha ka howlgala garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha dalka.











