Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdifatax Mahad Cabdiraxmaan ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi uu Hoggaaminayey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud oo ay wefdigiisa qeyb ay ka ahayeen Xildhibaanno iyo Saraakiil ka socday Madaxtooyada Qaranka.
Wafdigaan maanta gaaray Magaalada Baydhabo ayaa Hordhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in maalinta berri ah uu so gaaro Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.