Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu horrayn ugu hambalyeeyay xilka cusub ee Madaxweynaha JFS u magacaabay.

Kulanka Agaasimaha iyo Duqa Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray howlaha horumarineed ee Gobolka, iyada oo xoogga lasaaray dardargelinta Amniga, arrimaha bulshada iyo dib u dhiska goobaha danta guud.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa Guddoomiyaha cusub u balanqaaday in ay gacan muuqata ka geysanayaan dhammaan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada.

“Gobolka Banaadir waxaa ku yaal caasimaddii Ummadda Soomaaliyeed waana muhiim in dhammaanteen aan iska kaashanno soo celinta heybaddii ay Muqdisho ku lahayd caasimadaha dunida”.ayuu yiri Dr Nuur.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa  dhankiisa ka mahadceliyey soo dhaweynta iyo talooyinka muhiimka ah ee agaasinka Madaxtooyada JFS, isaga oo adkeeyay in maamul iyo shacabba ay xoogga saarayaan  sidii loo heli lahaa caasimad qurxoon oo amni ah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In