Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Agaasimahii hore ee Madaxtooyada.

Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud Agaasimihii hore ee Madaxtooyada oo u mahad-celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo dhammaan maamulka iyo hawl-wadeennadii lasoo shaqeeyay ayaa tilmaamay in sanadkii uu Xafiiska joogay uu wax la taaban karo ka qabtay horumarinta maamulka Madaxtooyada iyo fulinta siyaasadda Madaxweynaha.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Agaasime Cabdixakiim oo horey u ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa munaasabadda xil-wareejinta kusoo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka isaga oo adkeeyay sida ay maamul iyo hawl-wadeen waajib ugu tahay in Madaxweynaha lagu garab istaago dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada ayaa sidoo kale xusay in muhiimad gaar ah uu siin doono doorka shaqo ee Madaxtooyada uga aaddan horumarinta dalka, dayn cafinta iyo dhammeystirka Dastuurka, waxa uuna ka codsaday dhammaan howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan gudashada masuuliyadda loo igmaday.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Abshir Maxamed Axmed oo ka qayb galay munaasabadda ayaa u mahad-celiyay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada waxa uuna Agaasimaha cusub u rajeeyey in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran, isaga oo  kula dardaarmay ka miro-dhalinta qorsheyaasha shaqo ee Madaxtooyada.



Previous Post

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda

Next Post

Xoghayaha guud ee Maamulka Gobalka Banaadir oo tababar u furay dhallinyaro “SAWIRRO”

Next Post
Xoghayaha guud ee Maamulka Gobalka Banaadir oo tababar u furay dhallinyaro “SAWIRRO”

Xoghayaha guud ee Maamulka Gobalka Banaadir oo tababar u furay dhallinyaro "SAWIRRO"

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In