Kulankan Aqoon Isweydaarsiga ah ee looga hadlayay horumarinta Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed iyo faafreebka Filimada oo soconayay mudo laba maalin ah, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Xuluumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la soo gabagabeeyay.
Intii uu kulanka socday waxaa si weyn looga dooday muhiimadda wakaaladda filimada Soomaaliyeed ay leedahay iyo doorka ay ka qaadan jirtay horumarinta filimada iyo faafreebka, iyadoo xiritaanka Kulanka ay ka qeyb galeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Wakaaladda Filimada. Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA, Abwaano mas ‘uuliyiin ka socotay Xarumaha Keybalada ka shaqeeya filimada aqoonyahano iyo marti sharaf kale.
Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay ayaa ka hadlay figradahooda ku aadan sida loo hormarin karo Wakaaladda Filimada.
Agaasimaha Wakaalada Filimada Soomaaliyeed Saalax Shire Shabeel ayaa hoosta ka xariiqay in kulanka uu ka soo baxay qodobo muhiim ah oo ku aadan sida lagu horumarin karo Wakaaladda filimada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay dhaqan gelin doonto qodobada muhiimka ah ee ka soo baxay kulanka labada cisho socday.
Ku dhawaad 30 sano kaddib Wasaaradda Warfaafinta ayaa qaadeyso tilaabo dib boorka ay ugu jafeyso Wakaalada filimada, iyadoo Wasa#araddu diyaarineyso sharciga copy right-ka Soomaaliya