Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS , Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ee xafiiskeeda Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada mudnaanta leh, sida xasillinta, dad-dhigista iyo diiwaangelinta madaniga ah, maamulka dowladaha hoose, iyo xal-waara. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay iskaashi ballaaran oo lagu taageerayo soo-kabashada, horumarinta kaabayaasha, iyo guud ahaan xoojinta hay’adaha dowladda.











