Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Yuusuf Cabdulle ayaa maanta ku qaabilay xarunta Wasaaradda Madaxa Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Adduuunka ee Soomaaliya Dr Malik iyo wafdigiisa oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac, dardargelinta mashaariicda iyo kor-qaadista Tayada shaqaalaha Caafimaad ee Qaranka.
Agaasimaha guud ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Madaxda mashaariicda iyo La-taliyaasha Wasaaradda ee kala duwan